Howlgalka Midowga Afrika Amisom ee Soomaliya oo Dalbaday 9,000 oo Askari oo Dheeraad ah

0

Howgalka Midowga Afrika Amisom ee Soomaliya ayaa xiligaan dalbaday ugu yaraan 9,000 oo askari oo dheeraad ah oo ay sheegeen in loo baahan yahay si loo fududeeyo geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Fransisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiligaan loo baahan ugu yaraan 9,000 oo askari oo dheeraad ah oo ka kala socda dalalka dariska si ay ugu qeyb qaataan geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Dhanka kale Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dalabyada kasoo yeerayo dowladaha ay Ciidamadooda joogaan gudaha Soomaliya isagoo ugu baaqay dowladahaas inay u adeegsanin ciidamadooda gorgortan si loogu meel-mariyo codsiyadooda.

Mar uu ka hadlayey Qorshaha ay Ciiddanka AMISOM kaga baxayaan Somaliya bisha October ee sannadka 2018-ka, waxa uu tilmaamay Fransisco Madeira  inkastoo uu qorshahaasi socdo, haddana inay wajahayaan khatar dhinaca Taageeradda Loojistikada.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Fransisco Madeira waxa uuu ugu baaqay QM inay qalabeeyaan Ciiddanka Qaranka Somalia, si ay AMISOM ugala wareegaan Sugidda Ammaanka marka ay Somalia ka baxaan sannadka 2018-ka.

Waxa uu tilmaamay Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC)  in tirada Ciiddanka Somalia haatan ku dhowdahay 10,900 Askari, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in tirada la gaarsiiyo ugu yaraan 20,000 oo Askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here