Sababaha ay Dowladda Soomaliya u Xirtay Wariyaha Tv-ga Al-jazeera oo La Ogaaday+Sawirro

0

Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaliya ayaa dhawaan xabsiga dhigay xili uu kasoo dagay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho Wariye xamze maxamed oo kamid ah wariyayaasha Tv-ga afka ingiriiska ku hadla ee Al-jazeera.

Wariye Xamza Maxamed oo ka tirsan Tv-ga Aljazeera ayaa booqday dhawaan sida uu baahiyay xerooyin  tababar oo dagaalyahanada Xarakada Alshabaab ku leeyihiin  Bartamaha dhulka Somaaliya.

Wariyahan oo Soomaali-British ah, una shaqeeya Telefishanka Aljazeera, qeybta Englishka ayaa baahiyay sawirro gaar ah oo uu ka soo qaaday xerooyin ku yaala Degmooyin gobolada Hiiraan iyo Bakool oo dhawaan ay ka baxeyn ciidamada Ethiopia, sawirrada waxaa ka dhex muuqda ciidamo si xoog leh u hubeysan oo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab iyo madax sare oo uu ku jiro afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud raagge Sheekh Cali Dheere.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay wariyahaan oo laba maalmood kadib la sii daayay,Telefishinada Aljazeera ayaa xiriir joogto ah la leh  Alshabaab, waxaana u suuragashay wariyahan inuu dhex maro Magaalada Muqdisho oo Alshabaab xiriir la sameeyo kadibna u safro xarumaheeda isagoo sawirro iyo wareysiyo Video ah ka qaaday.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee  Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo ka hadlayay siideynta Wariyahaan ayaa sheegay in wax dambi ah lagu waayay wariye Xamze Maxamed oo u shaqeeya Tv-ga Al-jazeera islamarkaana uu dib u helay xuriyadiisa.

1 2 3 4 5 6 7 8 10 11 12 13 14 15

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here