Lamaanaha isjecel ee dunida ku nool qaarkooda ayaa ku guuleysta jaceelka ay jilaan mudda dheer kadib, qaarna waxay kala tagaan iyagoo aan guul ka gaarin jaceelkii ay mudda badan ay soo jilayeen.
Helan Andre oo 82 sano jir iyo Daby Moakes oo 86 sano jir ah ayaa is guursaday ka dib markii ay dib isu heleen, iyagoo kala irdhoobay 65 sano ka hor xili xiriir jaceyl uu ka dhexeeyey, lamaanahan ayuu qorshuhu ahaa inay aqal galaan sanadkii 1951, laakiin khilaaf xagga qoyska ayaa sababay iney kala irdhoobaan.
Helan iyo Daby ayaa waxay ka soo jeedaan deegaanka Derbyshire ee dalka England waxaana iney dib u midoobaan ka shaqeysay gabar ay dhashay Ms Andre oo lagu magacaabo Debbie Williams, taasoo baadi goobtay Mr. Moakes iyadoo sheegtay in lamaanuhu si waalli ah isku jecelyihiin, yaraantooda ay isjeclaayeen.

