Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo Kamid Noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya

0

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadii uu xiligeedu dhamaaday Mudane Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa maanta kamid noqday xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deegaanada Maamulka Puntland.

Cali Axmed Jaamac (Jangali)  ayaa doorasho maanta kaa dhacday magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa uu kaga guuleystay Jaamac Xasan Khaliif oo ahaa musharaxii la tartamayey sida ay xaqiijiyeen guddiga doorashooyinka Maamulka Puntland.

Wasiirka gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadii uu xiligeedu dhamaaday Mudane Cali Axmed Jaamac (Jangali) ayaa xiligaan kamid noqaya wasiiro ka tirsanaa Xukuumadda waqtigeeda uu dhaamaday oo xiligaan loolan ugu jira sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen saaxadda Siyaadda Soomaliya.

Xarumaha dowladd Goboleedyada  dalka ka jira sida Galmudug, Jubba-land , Koonfur Galbeed Soomaliya, iyo Puntland waxaa maalmihii aynu soo dhaafnay si habsami leh ugu socday doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here