Maxkamadd ku Taala Dalka Ethopia oo Xukuno Xabsi ah ku Ridday Dhalinyaro Soomaaliyeed

0

Maxkamadd ku taala dalka Ethopia ayaa xukuno xabsi ah ku ridday dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay in ay damacsanaayeen in ay weeraro argagaxiso ay ka geystaan Magaalada Addis ababa ee dalkaaas.

Magacyada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xukumaya ayaa kala ah:

Axmed Cabdiraxmaan, Maxamed Axmed, Maxamed Cabdulaahi, Maxamed Cali, Aanas Cismaan, Cismaan Xasan, Maxamed Aweys Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay shabaab katirsan yihiin,qorsheenayeena in weeraro la beegsadaan daarta Friendship ee kutaala xaafada Bole,suuqa Merkato,suuqa Edna iyo goobo kale.

Maxkamadda ayaa dhamaan muwaadiniinta Soomaliyeed ku xukuntay 9 sano oo xadhig ah madaama lagu helay kiis ah in ay qorshaynayaan weeraro Argagixiso oo ka dhacay gudaha dalka Ethopia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here