Xili Magaalada Kismaayo ay ka socoto xulista xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa isa soo taraya dhinaca kale eedaha loo jeedinayo gudiga doorashooyinka dad ban ee jubaland.
Nabdoon xerow oo kamid ah odayaasha ka soo jeedo gobolada jubooyinka ayaa ku eedeyay gudiga doorashooyinka jubaland in ay musuq maasuq baahsan ku sameeyeen doorashooyinka aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose ee haatan soconayo.
Nabadoonka ayaa waxa uu sheegay in kuraasta qaar ee beelaha islamarkaana la doonayay in ergooyinka ay wax doortaan in nidaamka la hareer mareyay islamarkaana warqado liis beenaad ay magacyo ku qoron yihiin dadka loo shaacinayay.
Gudiga doorashooyinka jubaland oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in faafaahino dheeraad ay ka bixiyaan eedamaha loo soo jeediyay.

