Xili maalmihii la soo dhaafay magaalad agaalkacyo ay dagaalo ku dhexmarayeen Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhinaca kale waxa qaramada midoobay ay isha ku heysa heshiiki dhawaan Madaxda galmduug iyo kuwa puntladn ay ka gaareen dagaalka Gaalkacyo.
Wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu si cad u jabiyay heshiiski laga gaaray dagaalki dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Galmudug ciidan ay leedahay ay weeraro soo qaadeen islamarkaana ay madaafiic ku garaaceen xaafadaha Magaalada Gaalkacyo gaar ahan qeybaha uu maamulo Maamulka Puntland.
Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin eedeynta ay u soo jeediyeen Maamulka Puntland.

