Magaalada cadaado ee Caasimada Km gee Maamulka Galmudug waxaa galabta ka bilaabatay doorashada xubnaha aqalka Hoose ee baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada maamulka Galmudug.
Kursiga hore ee Baarlamaanka waxaa ku tartamay labo Musharax oo kala ah Saciid Nuur Qeyliye iyo Nuur Daahir Diiriye, waxaana ku guuleestay Saciid Nuur Qeyliye oo helay 50-cod halka Musharax Nuur Daahir uu helay hal cod.
Waxaa kursiga labaad ee Doorashada Xubnaha Aqalka hoose iyana ku tartamay Sadex Musharax oo kala ahaa Mahad Maxamed Salaad, Cabduqaadir Cali Diiriye iyo Cabdifitaax Cabdulaahi Nuur , waxaana doorashadan lagu kala baxay Wareega Koobaad.
Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Soomaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa ku guuleestay Kursiga labaad ee aqalka hoose ku matalaya maamulka Galmudug waxa uuna helay codad gaaraya 40-cod halka Musharaxa kusoo xigay oo ahaa Cabduqaadir Cali Diiriye uu helay 10 cod ,Musharaxa sedexaad ayaan helin wax cod ah, waxaana xumaaday hal cod oo kale sida guddiga doorashada ay sheegeen.











