Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno ku riday maanta Saddex eedeysane oo loo haystay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab oo dowladda Soomaliya dagaal kula jirta.
Eedeysanayaasha ay maanta Maxkamadda Xukunada ku riday ayaa laga soo qabtay xaafado ku yaala degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir kadibmarkii ay howlgal ka sameeyeen Ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaliya.
ugu horeyntii Yaxye Cusmaan Qaasim oo ka mid ahaa tuhmanayaasha ayaa lasii daayay markii wax marqaati ah loo waayay eedeyntiisa, waxanya Maxkamaddu mid Siddeed Sana oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah C/laahi Axmed Cali iyo Yuusuf Nuur Sheekh Axmed.

