
Maanta oo Talaado ah dalka Mareykanka waxaa ka bilaabanaya saacadda marka ay tahay 12:00-duhurnimo dhanka geeska Afrika doorashada Madaxweynihii 45-aad ee uu yeesho Mareykanka, waxaana xilka Madaxweynaha ku loolamaa labada musharax ee kala ah Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton.
Illaa 46 milyan oo ruux ayaa lagu wadaa inay ka qeyb qaataan codeynta doorashada Madaxweynaha, iyadoo xarumaha cod bixinta la furi doono subaxnimada hore ee Talaadada waqtiga dalka Mareykanka.
Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa wada saacadihii u dambeeyey isu soo baxyada ololahooda doorashada. Afkaarta dadka laga uruuriyey ayaa muujinaysa in Mrs Clinton ay ninka ay iska soo horjeedaan ee xisbiga Jamhuuriga ku hogaaminayso boqolkiiba 4 dhibcood.
Dhanka kale FBI-da Mareykanka ayaa axadii shaaciyay in aanay wax cadeyn oo dambi ah u aheyn fariimihii email-lada gaarka ahaa ee ay isticmaali jirtay Hillary Clinton, xilligii ay aheyd Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, taas ayaana la rumeysan inay sare u qaaday rajada Ms Hillary Clinton.
Amaanka goobaha cod bixinta Gobolada Mareykanka ayaa si weyn loo adkeeyay Ciidamo kala duwan ayaa lagu arkayaa kadib markii ay dhawaan soo baxeen warar ku aadan in kooxda Al-qaacida ay weeraro ay ka geysan doonaan dalkaas.
