Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Ciidamada Al-shabaab ay saakay la wareegeen deegaanka Goof-gaduud kadib markii Dowladda Soomaliya iyo kuwa koonfur galbeed Soomaliya ay saakay aroortii isaga baxeyn.
Wariyaha idaacadda Simba ee Gobolada Bay iyo Bakool Feysal dhaayow Xuseen ayaa kusoo waramaya in Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa koonfur Galbeed oo wata gaadiidka dagaalka noocyadii kala duwan ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG islamarkaana ay haatan gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay maalmihii dambe waxaa ku dagaalamayay gacan ku heynteeda Al-shabaab iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, balse sababaha ay Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa dowladda ugu baxayaan mar walba ayaa lagu sheegay mushaar la’aan soo wajahaday dhawaanahan.

