Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in tiro madaafiic ah lagu garaacay Saldhig Ciidamada Brundi ay ku leeyihiin deegaankaas.
Madaafiicda oo lagu qiyaasay ilaa 7-madfac ayaa la sheegay in Aroornimadii hore ee saakay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku gaaraaceen Saldhig Ciidamada Brundi ay ku leeyihiin deegaankaas, waxaase la ogeyn qasaaraha ka dhashay ee soo gaaray Ciidamada Brundi ee qeybta ka ah AMISOM ee halkaas ku sugan.
Maamulka deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Brundi ay ku Leeyihiin Deegaankaas.

