Faah-faahin:-Dagaal Dib Kaga Qarxay Magaalada Gaalkacyo ee  Xarunta Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee  Xarunta Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug islamarkaana la isku adeegsanayo hub noocyo kala duwan leh uu goordhaweyd  ka bilowday Galbeedka Magaaladaas.

Wariyaha Idaacadda Simba ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  Fardowso Xaaji Maxamuud Sahal ayaa kusoo waramaysa in Labada Ciidan ay isku adeegsanayaan hub noocyo kala duwan leh islamarkaana diidkii ku harsanaa Magaalada Gaalkacyo  ay bilaabeen Saakay  in ay ka barakacaan.

Dagaalka saakay dib kaga qarxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa noqonaya mid jabiya heshiis Nabadeeda oo madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland ay kuwada Gaareen Magaalada Abu Dubia ee dalka Isutaga Imaaraadka caraba, kaasi oo dhigayay in la joojiyo colaada Magaalada islamarkaana 20-bishaan shir la iskugu yimaado Magaalada Kismaayo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here