Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in caqabadaha haysata Somalia aysan ahayn ka bixitaanka Ciimadamada Midawga Africa balse ay tahay kalsooni daro dhexdooda ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in arrintaas uu u guurgalay islamarkaana uu kulamo la qaatay safiirka faransiiska u jooga dalkiisa Stephanie Rivoal,kaas oo hogaaminaysay ciidamo faransiis ahaa oo boqasho ku tagay dalka Djibouti.
Kulankaasoo ka dhacay hotel lagu magacaabo Munyonyo halkaas oo saraalkiishii faransiiska ahaa ay ka hadleen ka bixitaanaka ciidamada Ethiopian ay ka bexeen qeybo kamid ah Somalia.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale midawga Yurub waxa uu ugu baaqay in ay siiwadaan taageerada ciidamada AMISOM ee Somalia jooga ay siiyaan,waxaa uu intaas ku daray in hadii ay bexeen ciidamada Ethiopia ay joogaan ciidamada Uganda kuwaas oo u baahan in la taageero islamarkaana ah hormuudka ciidamada Africanka ah ee Somalia jooga.

