Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabad joojinta ahaa oo ay wada gaareen maamulada Puntland iyo Galmudug , abaabulkana ay laheyd dowladda Imaaraadka Carabta.
Afhayeenka xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Nabiil Al carabi ayaa xaqiijiyay in heshiiska lawada gaaray uu yahay talaabo loo qaaday dhanka Hurumarka si loo sugo tiirarka Nabada gaar ahaan amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.
Xoghayaha ayaa amaanay dadaalada ay ku bixeeyeen imaaratka Carabta wada xaajoodyada laga gaaray nabad galyada soomaaliya, iyo colaadii ka jirtay Magaalada Gaalkacyo.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac ku gaaray magaalada Abu Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta iyadoo heshiiskaasna ay goobjoog ka ahaayeen madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka.
Qodobada labada maamul ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in xabada la joojiyo,dadka ku barakacay dagaalka Gaalkacyo dib loo soo celiyo iyo in wadahadal ay 20ka bishan isugu yimaadaan magaalada Kismaayo.

