Wararka ka imaanaya Magaalada garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa ku warama in kooxo hubeysan ay xalay weerar ku qaaday mid kamid ah hotelada ay degan yihiin Ergooyinka la qorsheynayo inay maanta ka qeyb galaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya.
Dableyda hubeysan ayaa la xaqiijiyay in rasaas ooda uga qaadeen Hotel ay degan yihiin qaar ka mid ah Ergeyda beelaha ee dooranaysa Xildhibaanada Aqalka hoose Puntland u matali doona Baarlamanka Dowlada Soomaaliya.
Ilaa haatan ma jiro Mas’uul ka tirsan Maamulka puntland oo faahfaahin ka bixiyay weerarkaan oo wararku aysheegayaan inaanu geysan khasaare sidaas u weyn, balse ah mid lagu khal khal galinayo doorashada la qorsheynayo inay ka bilaamato saacadaha soo socda magaalada Garowe ee Caasimad puntland.

