Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka qaar ee lagu baahiyay baraha bulshada iyo Warbaahinta ee ku aadan in Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira ay u tageen dalka Imaaraadka Carabra arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaliya sanadkaan ka dhacaya.
“Waxaan rabaa in aan ka hadlo safarkii aan ku tagay Wadanka Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii aan wada gaarnay anaga iyo Puntland waxaad moodaa in dacaayado badan laga sameeyay arrimahaas, dadka qaar ayaa baahiyay in imaaraadka Carabta loo tagay arrimo loo xiriiro doorashooyinka Soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka, iyo in dowladda imaaraadka Carabta ay kala jeceshahay qabaailka Soomaliyeed qaarna ay taageersan tahay, qaarna ay kasoo horjeedo arrimahaas la baahiyay waa kuwa aan waxba ka jirin”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed.
Qaar kamid ah warbaahinada Soomalida ayaa dhawaan baahiyay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka jira ay kala hadashay shaqsiga Madaxweyne ka noqonaya soomaliya in madaxweynahaas uusan ka hor imaanin danaha imaaraadka Carabta ee wadanka Soomaliya.

