Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa uga digay dowlada Kenya in ay xerto xerada ugu weyn qaxootiga dalkeeda ee Dhadaab oo qoysas kumanaan ah ay bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda soomaaliya ee aan xasilooneen.
Warbixitaan cusub ee ay soo saareen hay’ado gargaar ah ayaa lagu sheegtay in dowlada Kenya cadaadis xoogan ay dulsaartay qaxootiga si ay dalkooda Soomaaliya dib ugu soo laabtaan iyadoo Cuna yari, amni daro dalka ay kajirto sidaasi waxaa lagu sheegay warbixita cusub.
Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in iyada oo kaliya taageero u fidisay qaxootiga iskooda u laabanaya laakiin mid kamid ah dadka qaxootiga ayaa sheegay in uu dareemayo waxbadan oo ku aadan arimaha xeritaanka xerada dhadhaab waxaana la sheegay in dowlada soomaaliya caawinaad laga helay in aysan jirin iyaga oo sheegaya qaxootiga in aysan jirin wadooyin badan oo u furan si ay noloshooda ugu fikiraan.
Ururada sida dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn,hay’ada xuquuqda aadanaha u qaabilsan qaramada midoobay H R W iyo Golaha qaxootiga dalka Norway ayaa muujiyay sida ay kaga walaacsan yihiin qaxootiga Kenya ku nool ee dib ugu laabanaya soomaaliya oo ay sheegeen in ay adagtahay in caawinaad la gaarsiiyo sababa la xiriiro amni daro xoogan oo kajirto qeybo badan oo ay maamulaan xarakada al shabaab.

