Maxkamadd Ku Taala Ingiriiska oo Xukuno Kala Duwan ku Riday Dhalinyaro Soomaliyeed

0

Maxkamadd ku taala magaaladda Bristol ee wadanka Britain ayaa  xukuno kala duwan lagu riday 3-dhalinyaro Soomaliyeed oo dalkaas ku nool ka dib markii lagu soo eedeeyay inay gaysteen falal anshax dara ah sidoo kale dhibaateeyeen gabdho yar yar.

Dhalinyaradan Maxkamada lasoo taagay ayaa lagu eedeeyay inay katirsan yihiin kooxo abaabulan oo gaysta dhibaatooyin isugu jira kufsi, tahriibinta gabdhaha yar yar iyo dhibaatooyin kale oo dumarka ka dhan ah.

Sadexdan Dhalinyaro ayaa lagu soo oogay 14 fal dambiyeed ay kula kaceen afar gabdhood oo la sheegay in ay da’dooda ka hooseesay 14 sano jir, garsooraha Maxkamadda Bristol, Peter Blair ayaa ugu dambeyn dhalinyaradan ku riday xukuno adag oo xabsi ah.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee xukunka lagu riday ayaa kala ah Zakariya Sheekh oo 23-jir ah, waxaa lagu riday 16 sano oo xabsi ah, Mohamed Dahir oo 24-jir ah iyo C/rashiid C/llaahi oo 23-jir ayaa iyagana midkiiba lagu riay min 8 sano oo xabsi ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here