Dowladda Kenya oo Loogu Baaqay in ay Wax Ka Qabato khatarta Xarakada Al-Shabaab

0

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Dr. Mohamed Dahiye ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya in ay wax ka qabato khatarta Xarakada  Al-Shabaab, taas oo uu sheegay inay tahay sababta gudiga imtixaanadka qaran (KNEC) ay doonayaan in qaar ka mid ah ardayda imtixaanada ku suubiyaan meel ka baxsan xarumaha ay ka diiwaangashanyihiin.

Dr. Mohamed Dahiye ayaa tilmaamay in Dowladda Kenya ay iska indha tirtay in wax ka qabato amni xumada ka jirta Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya, islamarkaana dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay u fududahay in ay weeraro ka geystaan gudaha dalkaas.

Waxa uu sidoo kale dowladda ugu baaqay  Dr. Mohamed Dahiye in gaadiidka saraakiisha ammaanka lagu dhajiyo qalabka raad raaca si loo daba galo marka cadawga uu la baxsado gawaarida ciidanka ayuu yiri.

Amaanka Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sii xumaday mudooyinkii dambe kadib markii Al-shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku qaaday Gobolkas, kii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay 12-qof oo kenyaan kadib markii weerar qorshaysan uu ka dhacay Magaalada Mandheera.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here