Wararka ka imaanaya degmada caabduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ku warama in dagaal xoogan uu manata ka dhacay degmada caabudwaaq.
Dagaal ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleed hubeysan oo maalmihi la soo dhaafay uu khilaaf u dhaxeyay.
Madaxa Arimaha Bulshada ee maamulka degmada caabudwaaq Muuse Maxamed Axmed (Muuse Inji) ayaa u xaqiijiyay idaacadda simba in maanta dagaal u dhaxeeyo maleeshiyaad hubeysan uu ka dahcay gudaha caabudwaaq balse ma uusan shaacin dagaalkaasi qasaaraha uu geystay ilaa hatan.
Degmada caabudwaaq ee mudooyinki la soo dhaafayay ka dhacayay dilal ku saleysan aanooyin qabiil iyadoona xiisado arimahaasi ka dhashay aan weli lagu guuleysan xalintooda.

