Waxaa faafaahino dheeraad ay ka soo baxayaaan qarax xoogan oo ka dhacay duleedka degmada ceel-waaq ee gobolka gedo.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhacay xili kolonyo gadiid ay wateen ciidamada Kenya ay marayeen meel ku dhow deegaanka buusaar ee gobolka gedo.
Inkasto aan la ogeyn qaraxaasi qasaaraha rasmiga ee uu geystay waxaa dhanka kale mas’uuliyada qaraxaasi sheegtay in ay fuliyeen al shabaab.
War al shabaab ay baahiyeen ayaa lagu sheegay in qarxa ka dhacay gobolka gedo lagu dilay ciidamo Kenyan ah.
War oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka al shabaab ayaa lagu sheegay in 2 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya in lagu dilay weerarka qarax ee ka dhacay duleedka degmada ceel-waaq ee gobolka.

