Shabaab oo Odoyaal ka Afduubtay Degmada Afmadow oo ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose,

0

Wararka ka imaanaya Degmada Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, ayaa  ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay deegaankaas ka afduubteen Odayaal si weyn looga garanaayay Degmadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Degmada Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose ayaa xaqiijiyay in dagaalyanada Xarakada Al-shabaab ay deegaankaas ka afduubteen labo Nabadoon oo si weyn looga garanaayay degamada , magacyadooda ayaa lagu kal sheegay  labada nabadoon Saalax Bashiir iyo Saleebaan Cali Xaydar.

Dhanka kale Xarakada Shabaab ayaa la xaqiijiyay in labadaan odey ay ula dhaqaaqeen dhanka  Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, oo kamid ah deeganada ay xiligaan ku xoogan yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here