Guddiga Doorashooyinka  Somaliland oo Beeniyay In La Tirtiray Xogtii Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha

0

Guddiga doorashooyinka  Maamulka Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku aadan in  la masaxay ama la tirtiray xogtii diwaan gelinta codbixiyayaasha Maamulka somaliland.

C/qaadir imaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somali-land ayaa sheegay in aysan jirin cid xaday ama  masaxday diwaan gelinta codbixiyayaasha Maamulka Somaliland, islamarkaana wararkaas ay baahiyeen dad kasoo horjeeda jiritaanka Maamulka Somali-land.

Maanta oo isniin ah bishuna tahay 31/10 komishanka doorashooyinka waxa uu halkan ku cadaynayaa in aanay habayaraatee jirin wax xog (Data) ah oo ka luntay, la xaday, ama la masaxay midnaba, sidoo kalana cid la tuhunsanyahay oo shaqaalaha KDQ ahi aanay jirin xataa marka lagu daro labadadii goobood ee hore dhibaatada yari uga dhacday ayana in xogtoodii oo dhamastiran la ahayo.

“Guddiga doorashooyinka  wuxuu cadaynayaa in aan xogta diiwaangelinta la masixi Karin, la furan Karin aalad kalena lagu isticmaali Karin oo ay xafidantahay, Guddiga doorashooyinka  wuxuu u digayaa dadka caadaystay in ay isku dayaan dumistiisa ahna doorasho diid  kuna meeraysta warar aan sal iyo raad midna lahayn oo sheegay in la waayay xogtii diiwaangelinta.

Guddiga doorashooyinka  markuu ka baaraan dagay, eegay, darsayna  qoraalada naxliga huwan ee laga qoray Komishanka Doorashooyinka , Guddida doorashooyanka  Waxay si cad ugu gudbinayaan bulsahada S/land in aanay wararkaasi waxba ka jirin ay sheegeen caado qaatayaasha caadaystay isku dayga burburinta , iskuna dayaya inay tashuush iyo shakiga ku dhex abuuraan bulshada daacada u ah dalkeeda iyo dadkeeda ee diyaarka u ah in ay helaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ka qabsoonta dalka

Guddiga Doorashooyinka Somali-land waxay go’aansadeen una gudbin doonaan arinka laga qoray komishanka doorashooyinka  ee ku tilmaaman xog la xaday, la masaxay ama la la’yahay se aanay waxba ka jirin dhamaan hayadaha sharcaiga ee ay khusayso si talaabo looga qaado cida caadaysatay in ay baahiso wararka been abuurka ah ee xaqiiiqada ka fog ujeedadeeduna tahay  in ay khalkhal iyo kicin ku samayaan bulshada Somaliland”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Guddida doorashooyinka  Maamulka Somaliland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here