Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga afrika ee Amisom in ay ka baxeen degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool islamarkaana ay la wareegeen Ciiidamada Xarakada Al-shabaab.
Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Eelay, ayaa sheegay in ciidamada Ethopia ay saakay aroortii ka baxeen degmada tiyeglow islamarkaana Dowladda Somaliya in wax laga weydiinaayo arinta ku aadan sababta ciidamada Itoobiya uga baxeen degmada Tiyeglow ee gobolka Bakool.
Mudane Xasan Xuseen Eelay Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxa uu sheegay in dowladda soomaliya ay wax ka ogeyd qorshaha ciidamada Malatariga Ethopia ay kula wareegeen markii hore degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool.

