Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in koox loogu shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish-ta soomaliya in ay la wareegeen degmadaas.
Gudoomiyaha degmada Qandala ee Gobolka Bari Jaamac Maxamed Quurshe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalyahano loogu shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish-ta soomaliya in barqanimadii maanta ay la wareegeen degmadaas.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in maamulka Puntland uu ciidamo u diri doono degmada Qandala ee Gobolka bari si ay meesha kaga saaraan dagaalyahanada loogu shakisan yahay daacish ee la wareegay degmadaas.
Hadii ay arintaan rumowdo waxa ay noqon doontaa degmadii ugu horeysay ee kooxda Daacish-ta Soomaliya ay la wareegaan.
Kooxdaan yar ee ka goosatay Xarakada Al-shabaab waxaa hogaamiya Sheikh Cabdiqaadir Muumin oo ku noolaan jiray dalka Ingriiska ee yurub, haatan isaga iyo dagaalhayano daacad u ah waxaa saldhig u ah Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, ee Puntland waxay bishii October ee 2015-kii ku biireen kooxda Daacish-ta Soomaliya,

