Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Juventus ee Paulo Dybala oo uu dhawac ku soo gaadhay guuldaradii Juventus ka soo gaadhay AC Milan ayaa laga saaray liiska xulka qarankiisa Argentina ee kulamada isreeb reebka koobka aduunka la ciyaari doona Brazil iyo Colombia.paulo-dybala
Paulo Dybala ayaa markii hore la filayay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo 10-15 maalmood ah balse waxay u muuqataa in dhaawiciisu uu ka xun yahay sidii markii hore la filayay iyada oo laga saaray liiska xulka qarankiisa Argentina. Ezequiel Lavezzi ayaa looga yeedhay xulka qaranka Argentina isaga oo lagu buuxiyay booska Dybala laga saaray.
Goolhaye: Sergio Romero [Manchester United], Nahuel Guzmán [Tigres], Gerónimo Rulli [Real Sociedad]
Difaaca: Facundo Roncaglia [Celta], Mateo Musacchio [Villarreal], Ramiro Funes Mori [Everton], Martín Demichelis [Espanyol], Pablo Zabaleta [Manchester City], Gabriel Mercado [Sevilla], Nicolás Otamendi [Manchester City], Emanuel Mas [San Lorenzo]
Khadka Dhexe: Javier Mascherano [Barcelona], Lucas Biglia [Lazio], Guido Pizarro [Tigres], Ever Banega [Inter], Nicolás Gaitán [Atlético Madrid], Ángel Di María [Paris Saint-Germain], Julio Buffarini [San Paolo], Enzo Pérez [Valencia], Marcos Acuña [Racing]
Weerarka: Lionel Messi [Barcelona], Ángel Correa [Atlético Madrid], Lucas Pratto [Atlético Mineiro], Sergio Agüero [Manchester City], Paulo Dybala [Juventus]- Ezequiel Lavezzi , Gonzalo Higuaín [Juventus]

