Wasaaradda Gaashaandhiga oo Beenisay in Ciidamada Xoogga ay Ka Qeyb Qaateen Dagaalada Gaalkacyo

0

C/qaadir Shiikh Cali (Diini) Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya oo la hadlay wakaalada wararka ee SONNA ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ay ka qeyb qaateen dagaaladii maalmihii dambe ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

“Ma jirto ciidan ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaliyeed  oo ka qeyb qaatay dagaalka Magaalada Gaalkacyo, warkaas waa waxba ka jiraan oo fadhi ku dirir meelaha la wado ah, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed  waxa ay ku sugan yihiin saldhigyadii loogu tagalay wax ciidan ah oo ka qeyb qaatay dagaalka ma jiro”ayuu yiri Jen. Diini.

Dhanka kale C/qaadir Shiikh Cali (Diini) Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa maamulka Puntland ka dalbaday in uu soo cadeeyo wararka sheegaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaateen dagaaladii Magaalada Gaalkacyo ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here