Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Mudane Cali C/laahi Osoble ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) isagoo magacaabay Gudoomiye Cusub oo kmg-ga ah.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa uu sheegay in xilkaasi uu si ku meel gaar ah uu ugu magacaabay Cali Jeyte Cismaan.
Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sidoo kale waxaa uu magacaabay guddi ka shaqeeya arrimaha ammaanka ee Gobolka Hiiraan.
Guddigan, ayaa waxay kala yihiin:
S/guuto Cumar Aadan Dhabad G/Sare Tawane Axmed Muxumad G/sare Isaaq Cali CabdulleG/sare Isaaq Cismaan Idiris G/sare Axmed Cabdi WeheliyeG/dhexe Cali Cabdi MahadalleDhamme Xasan Maxamed Ibraahim.

