Kooxo Hubeysan ayaa maqribkii caawa xaafada Siigaale ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya.
Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Degen Xerada Laanta Buuro oo aheyd xiligii dowladii dhexe ee soomaaliya Xabsigii Ciidamada Asluubta Soomaliyeed, ayaa la dilay salaadii maqrib kadib dilkiisa waxaa fuliyay rag ku hubeysnaa bastoolad.
Ala Ha u Naxariistee Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ahaa saraakiil ka badbaaday sida la sheegay weerar dhawaan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Xerada Laanta Buuro Ee Gobolka Shabellaha Hoose halkaas oo lagu dilay askar badan.
Kooxihii Hubeysanaa ee dilka geystay ayaa goobta ka baxdasaday durbabadii waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaliya oo halkaas baaritaano ka sameeyay.

