Taliska AMISOM oo Ka Hadlay Sababaha ay Ciidamada Ethopia kaga Baxayaan Qaar kamid Gobolada Soomaliya

0

Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay  sababaha ka bixitaanka Ciidamada Ethopia qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet oo wareysi  gaar ah siiyay idaacadda simba   ayaa sheegay in arin haysata Ciidamada  Malatariga Ethopia ay kaga baxayaan Saldhigyadii ay ku sugnaayeen mudooyinkii dambe sidaas darteed ay xiligaan ku howlan yihiin buuxinta saldhigyada ay beeneeyeen.

“AMISOM waxa ay qaabayneysaa goobaha ay ka baxeen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayna qabsadeen kooxaha kasoo horjeedo dowladda in aynu ka shaqeyno amniga deegaanadaasi si aynu u xaqiijinayo amaanka shacabka halkaasi kunool, Sababaha Ciidamada Ethiopia ay ugu baxeen goobahaasi waa arimo la xiriiro carqaladaha cusub ee ka jira dalka Ethiopia balse AMISOM Waxaa ka go’an in goobahaasi ay ciidamo ay geeyaan”, ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet.

Ciidamada Malatariga dowladda  Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee  Amisom ayaa todobaadkaan gudihiisa isaga baxay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyagoo sidoo kale horey ugu baxay deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here