Wasiirka Deegaanka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ciidamo ka socda AMISOM u soo direy Magaalada Cadaado, islamarkaana ay la wareegeen goobihii ay ku sugnaayeen ciidamaa Galmudug.
Ciidamadii Galmudug eek u sugnaa xarumaha Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ka ee Maamulka Galmudug ayuu sheegay wasiirka in ay lasoo dhoobay goobaha la isku horfadhiyo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug .
“Runtii tuhun wayn ayaan ka qabnaa doorka UN-ka ee ku aadan Colaada ka taagan Gaalkacyo, Mas’uuliyadda koowaad waxaa iska leh Galmudug iyo Huwanta la socota haddana waxaan aaminsnahay doorka UN-ka inuu yahay door aan caddayn, waxaan aaminsanahayan hawl fududaynta ay siinayaan maamulka Galmudug iyo diyaaradaha ay siinayaan in loo adeegsado sidii hub iyo rasaas looga keeni lahaa magaalada Xamar, taasoo loo isticmaalayo colaada Magaalada Gaalkacyo” ayuu yiri Wasiirka Deegaanka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame.

