Ajaaniib ay Siidaayeen Kooxaha Burcad Badeeda Soomalida oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Kenya+sawirro

0

Ajaaniibtaan ay siidaayeen Burcad Badeeda Soomalida oo gaarayay 26-nin oo kasoo kala jeeda Wadamada Indonesia, China, Philippines, Vietnam iyo Taiwan, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa ka dagtay Diyaaradda siday Ajaaniibtaan ay siidaayeen Burcad Badeeda  Soomaliya oo gaarayay  tiro ahaan 26-nin  oo kasoo kala jeeda Wadamada Indonesia, China, Philippines, Vietnam iyo Taiwan.

Ajaanibtaan waxaa Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta kusoo dhaweeyay safiirada wadamada ay kasoo jeedaan Ajaaniibtan la siidaayay iyo dad Eheladooda ah, waxaana la filayaa in ay usii duulaan wadamadii ay ka yimaadeen si ay ula midoobaan eheladooda.

Kooxaha Burcad Badeeda Soomalida ayaa ajaanibtaan ku hayay sanadihii dambe qeybo kamid ah Gobolka Mudug, waxaana inta la heestay Ajaaniibtaan saddex nin oo kamid ahaa la sheegay in ay u geeriyoodeen Cuduro halka 26-kii harayna hada dib u heleen Xuriyadooda.

Lacag lagu qiyaasay 3-miliion oo dollar-ka mareykanka ayaa la sheegay in la siiyay kooxaha burcad Badeeda Soomalida sidaasna ay kusii daayeen ajaanibta.

Some of the 26 Asian sailors released after being held captives by Somalia pirates for more than four years become emotional as they greet Michael Scott Moore (C), a former hostage who said that he was involved in helping with their release, as they arrive at the Jomo Kenyatta International airport in the capital Nairobi, Kenya, October 23, 2016. REUTERS/Siegfried Modola

Some of the 26 Asian sailors released after being held captive by Somalia pirates for more than four years become emotional as they greet Michael Scott Moore (R), a former hostage who said that he was involved in helping with their release, as they arrive at the Jomo Kenyatta International airport in the capital Nairobi, Kenya, October 23, 2016. REUTERS/Siegfried Modola

nip_3 nip_4

Some of the 26 Asian sailors released after being held captives by Somalia pirates for more than four years become emotional as they arrive at the Jomo Kenyatta International airport in the capital Nairobi, Kenya, October 23, 2016. REUTERS/Siegfried Modola TPX IMAGES OF THE DAY

nip_6

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here