Dhibaatada kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ayaa halkeeda ka sii socota waxayna barbaro 1:1 ah Etihad Stadium kula gashay kooxda Southampton. Man City ayaa kulankii shanaad oo xidhiidh ah bilaa guul ah ee tartamada oo dhan halka ayna wax guul ah soo arkin saddexdii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier Leaque-ga.
Da’yarka Kelechi Iheanacho ayaa Manchester City ka badbaadiyay guuldaro ku soo gaadhi lahayd Etihad Stadium kadib markii ay Saints qaybtii hore ee ciyaarta hogaanka ku haysay 1:0 iyada oo qalad uu Jone Stones sameeyay uu Nathan Redmond uu goolka furitaanka ku dhaliyay.
MANCHESTER CITY (3-4-3): Bravo; Kompany, Stones, Kolarov; Sane, Fernandinho, Gundogan, Silva; De Bruyne, Sterling, Aguero.
KAYDKA:Fernando, Nolito, Caballero, Navas, Clichy, Otamendi, Iheanacho.
SOUTHAMPTON (4-3-1-2): Forster; Martina, Fonte, van Dijk, McQueen; Clasie, Romeu, Davis; Tadic; Redmond, Austin.
KAYDKA:Yoshida, Rodriguez, McCarthy, Ward-Prowse, Boufal, Hojbjerg, Stephens.














