Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Gobaledka Galmudug oo is Casilay+Dhageyso

0

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Gobaledka Galmudug, Abdi Fatah Mohamud Ahmed   ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

Abdi Fatah mohamud Ahmed   oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sababta iscasilaadiisa ku sheegay inay tahay arimo shaqsi ah oo aysan jirin dhibaato kale oo taagan xiligaas.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha iyo ku xigenkiisa inuu u gudbiyay arimaha ku aadan iscasilaadiisa, uuna rajeynaayo in laga aqbalo.

Warqada iscasilaada uu u qoray Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa u qorneyd sidan:

U JEEDO Is casilid

Ku Madaxweynaha

Ku- Madaxweyne ku xigeenka

Ku Godoonka Baarlamaanka

Og Wasiirka Wasaaradda

Anigoo ah Abdi Fatah mohamud Ahmed Wasiir ku xigeenka wasaaradda Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Gobaledka Galmudug Waxaan halkaan ku cadaynayaa maanta oo ay ku beegan tahy 22/10 2016 in aan Iska casilay xilikii wasiirnimo ee aan u hayay shacabka iyo Xukuumada Galmudug Dhabtii iyadoo aan wax dhibaa to ah aan jirin ayaan xilkaasi isaga casilayaa arimo Shaqsiyadeed waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha iyo Maamulka in la iga aqbalo soo jeedintaydda ku aadan is casilidaydda :

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here