Dawladda Maraykanka, Hay’adda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo waddamo kale ayaa ugu baaqay dawladda Federaalka Soomaaliya inay ilaaliso xuquuqaha caalamiga ah ee xorriyadda hadalka sida uu qeexayo dastuurka Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen dawladda inay degdeg u baarto isla markaana sharciga ula tiigsato dadka ku xadgudba xorriyadda hadalka ama halis u gaysta dadka ka shaqeeya.
Maraykanka, waddamada kale iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa sheegay in xaqa xorriyadda hadalka ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed si loola xisaabtamo saraakiisha dawladda, dadweynahana ay xiriir ula yeeshaan.
Waxay sheegeen in tallaabadani muhiim tahay gaar ahaan xilligaan oo in ka badan 14 kun oo ergo ay ku kulmayaan goobo ka mid ah waddanka si ay usoo doortaan xubnaha baarlamaanka.
Waxay sheegeen in Soomaaliya sanandkan ay ku dhinteen ugu yaraan shan saxafi, 16 kalena lagu xiray Waxay ku eedeeyeen dawladda inaan sida badan wax baaritaan ah lagu samaynin xadgudubyadaasi iyo sida dadkii ka dambeeyey sharciga loola tiigsan lahaa, Waxay sheegeen in bishan Oktoobar keliya la xiray lix saxafi.
Beesha caalamku waxay cambaaraysay hagardaamada iyo xadgudubada kale ee lagula kaco shaqaalaha warbaahinta ee Soomaalida ah, waxayna sheegeen inay sidoo kale aad uga walaacsan yihiin ficillo sii kordhaya oo lagu caburinayo xorriyadda hadalka – haddii ay tahay dhinaca warbaahinta, isku imaatinka iyo xaqa ay musharrixinta ay u leeihiin inay ololayaal samaystaan.
Beesha caalamku waxay sheegeen inay soo socotay faragelin lagu samaynay dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed muddo bilo ah, waxayna sii xoogaysatay ayey sheegeen markii 9-kii Julay ay warqad kasoo baxday Wasaaradda Amniga Gudaha oo lagu mamnuucayey in hoteellada Muqdisho lagu qabsado shirar iyadoo aan marka hore oggolaansho laga helin Wasaaradda.
Waxay sheegeen in hay’adda sirdoonka ee NISA ay kala erisay shirar iyo isku soo baxyo ka dhacay Muqdisho, Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiisha garoonka ay si ku meelgaar ah garoonka uga mamnuuceen saxaafadda, waxayna intaas ku dareen in inkastoo saraakiisha dawladda ay sabab ka dhigeen arrimo dhinaca amniga ah haddana in tallaabooyinkaan ay saameeyeen oo keliya dhaq-dhaqaaq-yada dadka mucaaradka ah.
Ugu dambayn waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Soomaalida inay u oggolaadana muwaadiniinta Soomaalida ah inay ka faa’iidaystaan xuquuqdooda hadalka iyo is-abaabulka, iyo inay dawladdu qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu sugayo amniga iyo xuququda suxufiyiinta Soomaalida, iyo xaqiijinta in usbuucayada soo socda la abuuro jawi oggolaanayo in dadweynahu ka qaybqaataan hannaanka siyaasadeed.

