Faah-faahin:-Nabadoon 80-sano jir ahaa oo Caawa  Lagu Dilay Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

0

Kooxo Hubeysan ayaa  Caawa degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabadoon 80-sano jir ahaa oo lagu magacaabi jirey  Maxamed Taraabi Shiikow oo si weyn loogu yaqaanay Gudaha degmaaas.

Ala Ha u Naxariisteen Nabadoon Maxamed Taraabi Shiikow ayaa la sheegay in rasaas ay la dhaceen kooxo hubeysan oo goobta ka baxday markii ay dilka geysteen sida goob joogayaal ay u sheegeen idaacada simba.

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in Nabadoon  Maxamed Taraabi Shiikow uu kamid ahaa ergooyinka soo xulaya baarlamanka dalka uu yeelan doono sanadkaan.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa dowladda Soomaliya oo halkaas ka sameeyay  baaritaan, iskastoo aan la ogeyn shaqsiyaadka loosoo qabtay dilka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here