Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Maanta ku doortay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulkaas 11-xubnood oo kamid noqon doona xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka dalka ku matali doona deeganadaas.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa soo xiray Doorashada aqalka sare ee deeganada Maamulka Puntland
Xubnaha aqalka sare maanta ku Guuleystay waxaa kamid ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday Mas’uulkii ugu horeeyay ee aqalka sare ku matala deeganada Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole ayaa sidoo kale kamid ah xubnaha aqalka sare ku matali doona deeganada Maaamulka Puntland.
Kursiga 1-aad.
1-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu helay 47-Cod.
2-Aamino Aadan Cabdullaahi waxay heshay 17-Cod.
-Waxaa xumaaday hal cod, tan ayaa ka dhignayd in Cumar uu noqday Musharaxa 1-aad ee uso baxay Aqalka Sare.
Kursiga 2aad
1-Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole wuxuu helay 59-Cod
2-Cabdi Mahdi Abshir wuxuu helay 5-Cod,
-Hal codna waa xumaaday.
Kursiga 3-aad
1-Cabdirasaaq Xassan Cismaan Juurile wuxuu helay 33-Cod.
2-Hodan Ismaaciil waxay heshay 32-Cod.
Kursiga 4-aad
1-Farxaan Cali Xuseen Wuxuu helay 36-Cod.
2-Cali Ismaaciil Cabdi Giir wuxuu helay 29-Cod.
Kursiga 5-aad
1-Cabdisalaam Xaaji Maxamuud Dheere wuxuu helay 50-Cod.
2-Faarax Cawad Jaamac wuxuu helay 25-Cod.
Kursiga 6-aad
1-Mahad Sheekh Nuur wuxuu helay 36-Cod.
2-Cabdixakiim Axmed Xaashi wuxuu helay 29-Cod.
Kursiga 7-aad
1- Hodan Maxamud Cusmaan waxay heshay 35-Cod.
2-Basra Maxamuud Geelle waxay heshay 30-Cod.
Kursiga 8-aad
1-Bootaan Barre Bootaan wuxuu helay 38-Cod.
2-Moorgan Wuxuu helay 27-Cod.
Kursiga 9-aad.
1-Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc wuxuu helay 56-Cod.
2-Faadumo Siciid Maxamed waxay heshay 8-Cod.
Kursiga 10aad ee xubnaha Aqalka sare u metelaya Puntland , waxaa ku guulaystay Siciido Xasan Cismaan oo 41cod kaga guulaysatay Siciid Maxamuud Aadan oo helay 23 cod.
Kursiga 11aad ee xubnaha Puntland u metelaya Aqalka sare waxaa ku guulaysatay Shukri Aaden Maxamed Camey oo heshay 38 cod, waxaana ayka guulaysatay Seynab Xaashi Biixi oo heshay 24cod.
























