Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta kasoo hor muuqday afar nin oo kenyaan oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa Xarakada Al-shabaab.
Afarta nin ee maxkamada kasoo hormuuqday ayaa waxaa ay beeniyeen eedeymaha loo haysto waxaana ay sheegeen in aysan wax dambi ah gelin, inkasto maxkamada laga hor sheegay in loo baahanyahay seddex maalin oo kale oo baaritaano lagu sameeyo.
Afartaan nin oo lagu tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin Al shabaab ayaa lagu kala magacaabaa Ali Musa, Hamisi Hakimu, Yassin Ahmed iyo Mwinyi Hamisi, waxaana maalintii jimcihii ee lasoo dhaafay lagu qabtay magaalada xeebeedka Mombasa inkastoo aan xiritaankooda la ogaanin hada kahor.
Ragaan eedeysanayaasha ah ayaa lagu hayaa saldhig boolis oo lagu magacaabo Bandari oo ku yaala magaala Mombasa,balse waxaa la sheegay in halkaas lagu siihaynayo illaa iyo inta boolisku ay kasoo gaba gabaynayaan baaritaankooda.
Lydia Kagori oo ah xeer ilaaliyaha dacwadaan gacanta ku haya ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in 14 maalmood oo baaritaan lagu sameeyo arrintaan, inkastoo uu soo jeedintaas kasoo horjeesta qareen difaacaya eedeysanayaashaan oo lagu magacaabo Chacha Mwiti.

