Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe oo maanta dagaal kula wareegay deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in deegaanka ay la wareegeen maanta mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka Ahlu Sunna Mursal Sheekh Maxamed Xeefow oo si kooban ula hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusuna waljameeca oo ku sugnaa deegaan ku dhow deegaanka Godon-labe ee Gobolka Galgaduud in weerar lagu qaaday islamarkaana weerarkaas ay qaadeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo saldhig ku lahaa deegaanka waa siduu hadal u dhigee.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, in ay la wareegeen ciidamada Ahlu Sunna iyo maleeshiyaad hubaysan oo meesha ka saaray Ciidamada Nabad Sugida Dowlad Goboleedka Galmudug oo saakay deegaanka dagaal kula la wareegay.

