Maanta Waxa ay ku Beegan Tahay 12-oktober Waana sanad guuradii 62-aad ee Maalintii la Hindisay Calanka Soomaaliyeed

0

Maanta oo ah 12-kii October ayaa beegan sannad guuraddii 62-aad ee helida Astaanta ama Calanka Qaranka Soomaaliyeed,  Maalintaan ayeysan qiimaheeda dad badan oo Soomaali ah aysan la socon, taasi oo ay sabab u tahay sida ay u wiiqantay Wadanimadii Soomaaliyeed.

Calanka Waxaa la sameeyey Taariikhdu markay ahayd 12 Oktober 1954-tii, waxaana sameeyey ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani  ayaa in badan oo Shacabka Soomaaliyeed ah aysan aqoon magaciisa iyo waliba Muuqaalkiisa, waana ninka Sawirkan ka muuqda.

cawaale_liibaan

Marxuumka ayaa markii u sameeyey Calanka wuxuu dood dheer la galay dad badan oo ayagu su’aalo ka weydiiyey astaamaha calanka, waxayna dooda ugu weyn ka imaaneysay dhanka Gumeystayaashii oo ayagu markii hore diiday Calanka Buluuga ah.

Maxamed Cawaale Liibaan illaahay Janadiisa haka wareebiyee wuxuu ahaa nin ay ku weyntahay isla markaana aad u qiimeeya Walaalnimada ummada Soomaaliyeed ee isku afka iyo dhaqanka ah, Waxayna taasi astaan u tahay Xiddigta cad ee Bartamaha kaga taala calanka Soomaaliyeed oo ka tarjumeysa Jeceelkii uu u qabay Soomaali-weyn oo ay xiligaasi kala qeybsadeen Awoodihii Reer Yurub iyo Itoobiya.

Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska iyo Itoobiya ayaa dalka Soomaaliya u kala qeybsaday shan qeybood oo kala ahaa:

1- Koonfurta Soomaaliya oo ah (Gobolada Puntland iyo inta kale ee kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaliya xiligaasi gacanta ku hayey gumeystaha dalka Talyaaniga.

2- Waqooyi Galbeed oo uu hada ka dhisan yahay maamulka Somaliland, oo uu gacanta ku hayey Ingiriiska.

3- Soomaali Galbeed oo hadda Itoobiya ka tirsan tahay gacantana ugu jirto.

4- Waqooyi bari N.F.D oo hadda ka tirsan Kenya, xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingriiska.

5- Jabuuti oo xiligaasi gumeysanayey dowladda Faransiiska.

Midabka Calanka

Midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo, Baluuga-na wuxuu ku tilmaamay Barwaaqadda dalkeena uu leeyahay, Badda, cirka, Hawada iyo dhulka Sidoo kale midabka Buluuga ayaa lagu tilmaamaa midabka Biyaha oo ah Aasaaska Nolosha.

Qolobaa calankee

Kuwaa ceynoo,

Qolobaa calankee

Kuwaa ceynoo,

Innaga keenu waa cirkoo kale’e

Ee aan Caadlaheynoo

Ee aan Caashaqee

Xiddig Yahee Cadibaa

Naa-ciidamisee

Caradaa Kaligaa

Adceeda Sideeda Caan Ahow

Munaasabado waa weyn ayaa Maanta Lagu qabanayaa  Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaliya kuwasoo lagu xusaayo  Maalinta  calanka soomaliyeed oo maanta ku beegan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here