Wasiir Maareeye:-“Dowladda Soomaaliya Waxa ay aad kaga Xuntahay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo”,

0

Dowladda Federaalka  Soomaliya ayaa marka kale ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada kusoo lab-laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo la hadlay Warbaahinta dowlada  ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo jooji dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay aad kaga xun yihiin  dagaalka u dhaxeeya  mamul ee walaala ah ee Galmudug iyo Puntland, isagoo ugu baaqay madaxweynayaasha Labada Maamul C/kariin Xuseen Guulleed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas in ay dajiyaan xaalada islamarkaana ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay kana digeysaa in colaad laga dhex huriyo dadka walaalaha ah ee wada daga gudaha magaalada Gaalkacyo, Sidoo kale dowladdu waxa ay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, wasiirada salaadiinta iyo waxgaradka ugu baaqeysaa in ka shaqeeyaan joojinta colaadaha sii huraya ee ka jirta Gobolka Mudug, ” ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ku hadlaayay magaca Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku amray in uu ciidan geeyo Magaalada Gaalkacyo ee gobola mudug, si ay u kala dhex galaan labada ciidan.

Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay ilaa xalay kuwada dagaalamayay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Culimada Soomaliyeed  iyo madaxda dalka ugu sareysa ayaa ku celcelisay in la joojiyo dagaalada Gaalkacyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here