Dagaal Dib kaga Qarxay Deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud Xili Madaxweynaha Galmudug uu Gaaray

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamo ka Tirsan kuwa maamulka Ahlusuna waljameeca ay galabta weerar ku qaadeen deegaankaas.

Ciidamada Ahlusuna oo barqanimadii maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ayaa duhurnimadii maanta isaga baxay deegaanka, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo aad u fara badan ay ka amba baxeen degmada Cadaado waxaa Ciidamada Hogaaminaayay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guullleed.

Markii ay gaareen deegaanka  Ciidamada uu hogaaminaayay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guullled ayaa  waxaa weerar ku qaaday Ciiidamo Tirsan kuwa maamulka Ahlusuna Waljameeca oo ku sugnaa meel aan sidaas ugu fogeyn deegaanka.

Dhanka kale warar hoose oo heshay idaacadda simba ee Magalada Muqdisho ayaa ku waramaya in sarkaal sare oo ka tirsnaa Maamulka Ahlusuna Waljameeca oo lagu magacabi jirey Axmed Maxamed Odowaa (Axmed dheere),  in lagu dilay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Godin-labe ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here