Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee  Puntland Dr Maxamed Cabaas oo Is Casilay

0

Wasiiru Dowlahii Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee  Puntland  Dr. Maxamed Cabaas Macalin Cumar ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay, islamarkaana warqadda iscasilaada oo qoraal ah uu u gudbiyey Madaxweynaha Puntland Dr. C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Wasiir Dr. Maxamed Cabaas Wasiiru Dowlahii Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee  Puntland  ma sheegin sababta uu isu casilay, balse Warar hoose oo warbaahinta ay heshay waxay sheegayaan in Wasiirku uu is casilay kadib markuu ka war helay in Deeqo badan oo uu dibada ka keenay aysan gaarin meelihii loogu tala galay iyo meel ay ku dambeeyeenba.

Dhawaan ayay aheyd markii uu iska casilay Xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo  isgaarsiinta Maamulka Puntland  Maxamuud  Xasan soo Cadde oo dhankiisa sheegay in sababo qoys uu iskaga casilay Xilka Wasaaradda Warfaafinta Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here