Cabdi Qaybdiid:-“Mareykanka Ha Qirto  in uu Dhibaateeyay Ciidamo ka Tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug”,

0

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ayaa si kulul ugu hadlay Duqeyntii Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ku yaala deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Cabdi Xasan Cawaale Madaxweynihii ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in si weyn uga xun yihiin in dowladda Mareykanka ay wali ku adkeysato in ay dishay Shabaab xilli la dhibaateeyay Ciidanka Galmudug islamarkaana Mareykanka loogu baahan in uu qirto in uu laayay Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid  ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn in ay dagaal ku qaadaan dariskooda oo uu la jeeday maamul Goboleedka  Puntland laakiin ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan wada noolaashaha bulshada kunool Gobolka Mudug.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in duqeyntii ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta  Gobolka Mudug ee Mareykanka uu Fuliyay  In lagu dilay 22-askari oo isugu jirey  kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Galmudug oo xiligaas deegaanka ku sugnaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here