Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa Maanta Howlgal Dad Badan lagu soo qab qabtay Waxa ay ka Fuliyeen Deegaanka Leego iyo Tuulooyin ku Xeeran oo ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiyaha Deegaanka Leego ee Gobalka Shabeelaha Hoose Abuukar Cabdulaahi Isaaqa Al-Cadaala oo Markii Howlgalku uu soo Ilaaday la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Howlagalkaan oo Maanta Si Wada jir ah ay Fuliyeen Ciidamada Militariga Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM inay ku qabteen in ka badan 10-Ruux oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo uu Xusay inay Cadaalada la Tiigsan doonaan.
Halkaan ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Deegaanka Leego.

