Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka soomaaliya Dr Axmed cali daahir oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa waxa uu beeniyay in ay jiraan dhallinyaro soomaaliyeed oo ay dowlada Hinida xukun dil ah ku riday.
Dr axmed cali daahir ayaa waxa uu sheegay in rajeynayaan in dhalinyarada loo heysto falalka burcad badeednimo in dalkooda dib logu soo celiyo arintaasna ay kawada hadli doonaan dowladaha soomaaliya hindia.
Xeer ilaaliyaha dalka ayaa waxa uu ka deyriyay xaalada ay ku nool yihiin dhallinyarada ku xiran gudaha wadanka hindia isagoona tilmaamay in dowlada hindia ay kala hadleen sida loo yareen lahaa dhibaatooyinka heysto dhallinta ku xiran xabsiyada wadanka hindia.
Dr axmed cali daahir ayaa waxa uu warar been abuur ah oo sheegay in baraha bulshada iyo warbaahinta ay hadal heysay kuna aadana in xukun dil ah lagu riday dhalinayro gaareysa 50 wiil oo soomaali ah kuwaa oo ku eedeysan falal la xariira burcad baddeed.
Halkaan ka Dhageyso codka

