Waaxda difaaca dalka Mareykan-ka ee Pentagon-ka ayaa sheegay weerarkii duqeynta ee diyaaradaha mareykan-ka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo jeexdin oo dhaca beriga Magaalada Gaalkacayo ee gobolka mudug lagu dilay xubno ka tirsan al-shabaab.
Jeff Davis oo ah Afayeenka pentagon-ka ayaa sheegay in saraakiil mareykan ah lagu soo qaaday weerar dhaba gal ah islamarkana iyaga ay sameeyeen is difac sida uu sheegay.
Waxa uu intaa ku daray in la taliyaha ciidamada militiriga marey-kanka ee soomaalia ku sugan in ay kula taliyeen in ay ka hortagaan dagaalkaasi socda.
Afayeenka ayaa sheegay in ay hubinayaan dadka duqeynta ku dhintay in dhamaantood ay ahaayeen dagaalyahano mintitiin ah iyo in dad shacab iyo ciidan dowladeed ay kamid yihiin.
Dhinaca kale wafdi ka socdo dowlda mareykan ayaa magaalada cadaado kulamo kula qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka galmudug si ay kala hadlaan arimo la xariiro weerarka ka dhacay gobolka mudug oo ay galmudug sheegtay in lagu dilay ciidamo ka tirsan maamulkooda.

