Jaamacadda carabta ayaa sheegtay in wafdi uu hogaaminayo Axmed Abuu Qeyd uu soo gaarayo magaalada muqdisho si jaamacadda carabta uu ugu soo celiyo arimaha doorashad Soomaaliya.
Wafdigaani ayaa u jeydka ugu weyn ee ay usoo gaaarayaan magaalada muqdisho ah in ay la kulmaan madaxda dowladda iyo xubnaha doorashada dadban si ay isla meel dhigaan caqabadaha ugu weyn ee hortaagan doorashada.
Af-hayeen u hadlay Xog-hayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu magacaabo Maxamuud Caqiiqii ayaa war uu soo saaray arbacadii ku sheegay in wafdigaani ay taageerayaan socodsiinta arimaha doorasho ee Soomaaliya.
Af-hayeenku ayaa xusay in xubnahaani ay kamid noqonayaan xubnaha kor joogtada ah ee la soconaya arimaha doorasho sidaa awgeedne aysan la safneen dhinac ama dowlad balse ay dhex dhexaad u yihiin dowladda.
Jaamacadda carabta ayaa taageerta wadamo ay kamid tahay Soomaaliya iyadoona ay sheegeyso in xiligaani ay soomaaliya usoo direyso xubno la socda arimaha doorasho.
Doorashada Soomaaliya ayaa dhowr jeer dhib udhac ku yimid iyadoona la sugayo in bisha 11-aad ee November haatan la qabto maadaama gudiga doorashooyinka dalka ay xiligaasi qabteen.

