Madaxweynaha Gal-mudug oo Fariin Adag u Gudbiyay Ku Xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya “Sawirro”

0

Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug ayaa maanta magaalada cadaado kulan kula qaatay ku xigeenka safiirka Mareykanka ee soomaaliya u fadhiya.

Warar idaacada simba ay ka heshay Madaxtooyada maamulka Gal-mudug ee magaalada cadaado ayaa sheegaya in C/kariin Guuleed uu fariin adag u gudbiyay Safiir ku xigeenka isagoona kaga waramay Ciidamada gal-mudug oo ay diyaarada mareykanka duqeeyeen xili la siiyay xog aan sax aheyn.

Madaxweynha maamulka gal-mudug ayaa safiirkaku xigeenka u sheegay in maamulkiisa uu ka hor tagey dagaal ka bilaaban lahaa guud ahan gobolka mudug islamarkaana uu hakiyay uu dareen dejiyay dadka ehalada u aha askarti duqeynta lagu dilay.

C/kariin ayaa safiir ku xigeenka u sheegay in ay u baahan yihiin mag dhow deg deg ah iyo raali gelin in mareykanka uu ka baxsho dhibki gaaray maamulka gal-mudug.

Safiir ku xigeenka ayaa kaga tacsiyeeyay mamulka gal-mudug dhibki gaaray ciidankooda isaga oona sheegay in uusan soo laaban doonin falkan nuucaan oo kale ah.

Xog wareedkaan waxaa leh Radio Simba

1 2 3

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here